U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Baardheere Oo Kordhay

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay saqdii dhexe magaalada Baardheere ku dhex maray ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab.

Deeq Cusmaan Axmed oo ah taliye ka tirsan Jubbaland, kana mid ahaa hoggaamiyeyaasha dagaalkaas oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in xalay Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadday saldhig ciidamadooda ku lahaayeen Buundada Baarhdeere ee gobolka Gedo.

Deeq oo sida ay wax u dhaceen ka hadlaya waxaa uu yiri“dagaal xoogan ayaa dhacay, 10 ayaan ka dilnay, labo nin uu mid taliye ku jiro waan heynaa, waxaa ceyrsannay 30 km…saakana meydadkooda dadka ayaa daawanaya”.

Mar aan weydiinnay Khasaaraha dhankooda soo gaaray waxaa uu taliye Deeq Cusmaan Axmed sheegay in laga dilay 1 askari, 4 kalana laga dhaawacay.

Dadka deegaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in dagaalkan uu ahaa midkii ugu cuslaa ee magaalada ka dhaco muddo 3 sano ah.

Goobjoog News