U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalladii Ka Dhacay Sanaag Oo Sii Kordhay

Sheeko:Dalka

Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Dagaalka oo u dhaxeeya Labo maleeshiyo beeleed oo in muda ahba dagaalkoodu ka taagnaa halkaas ayaa ka billowday degaanka Ceel Afweyn oo jihada koonfurta galbaad kaga beegan magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Ugu yaraan 20 qof ayaa geeriyootay halka tiro intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen waxaana warar kale ay sheegayaan in khasaaraha uu intaas ka badan yahay.

Boqor Cabdi Axmed Cali oo kamdi ah salaadiinta Somaliland ayaa isaga oo ku sugan Ceerigaabo u sheegay Goobjoog News in Labada beel  maleeshiyaadkooda ay kala dhex galeen ciidamo Somaliland ka tirsan.

Dagaalladan ayaa ah kuwo soo noqnoqday islamarkaana aan xal rasmi ah laga gaarin.

Goobjoog News