U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maqribkii caawa ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ku qarxay inta u dhaxeysa Isgoysyada Xaaji Baasto iyo Taleex ee Wadada Makka Al-mukarrama, xilli shacab badan ay halkaasi ku sugnaayeen.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku geeriyootey Saddex qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 5 kale.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah, kuwaasi oo shacabkii dhaawacmay halkaasi ka qaaday.

Waxaa jirta burbur uu qaraxan u geystay xarumo ganacsi oo halkaasi ka dhowaa iyo sidoo kale gaadiid goobta marayey.

Saraakiisha ammaanka faah faahinno dheeraad ah kama aanay sii bixin qaraxan, marka laga reebo khasaaraha ay xaqiijiyeen.

Muqdisho oo bishii July amnigeeda aad usoo hagaagayey ayaa waxaa 7-dii maalin ee ugu dambeysay ka dhacay qaraxyo shacab waxyeello u geystay.

Goobjoog News