U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxa Gaariga Yaxye Caamir

Sheeko:Amniga

Qaraxyo isxigxigay oo ka dhashay baabuur lagu xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay isgoyska dabka waxaana gaariga qarxay lagu sheegay inuu lahaa Proff Yaxye Caamir Xaaji Ibraahim  oo ah barre Soomaaliyeed, kana faallooda dhaqaalaha.

Aqoonyahanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi uu ku geeriyooday walaalkiis Cumar Caamir Xaaji Ibraahim hal qof kale uu dhaawacmay.

“Gaariga dabka ku qarxay, wuxuu ahaa gaarigeeyga, kursigeeyga ayaana lagu xiray qaraxa, waxaana xilligaas saarnaa walaalkeeyga oo aniga ii soo socday, Allaha u naxariistee walaalkeeyga ayaa gaariga qarxay ku geeriyooday” ayuu yiri Proff Yaxye Caamir.

Dhanka kale, qaraxa labaad ayaa ka dhacay isla wadada Makka Almukarrama dhabarkeeda dambe waxaana la arkayay uuro iyo qiiq madoow oo cirka isku shareeray.

Laamaha amniga dowladda ayaa wali wax faahfaahin ah ka bixin qaraxyadani magaalada Muqdisho laga maqlay.

Qarxayadani ayaa noqonaya culeysyo ku sii siyaada ammaanka magaaladani, waloow taliska boolisku maanta ay sheegeen in ay wadaan howlgallo amni darrada wax lagaga qabanayo.

Goobjoog News