U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Ka Dhacay Ex-control Afgooye

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo saakay ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasare kala duwan.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, islamarkaana la sheegay inuu waday qof is miidaamiye ah, ayaa ku qarxay goob ay dadweyne iyo askar dowladda ah ku sugnaayeen, waana Isgoyska Ex-control Afgooye.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay qaraxan, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.

Isbitaallada magaalada Muqdisho ku yaalla ayaa lasoo gaarsiiyey meydadka iyo dadkii ku dhaawacmay qaraxan, waxaana weli socda dedaalka dadka dhaawacmay loogu gurmanayo.

Dadka waxyeellada soo gaartay ayaa isugu jira Arday Bas saarnaa, ciidan ku sugnaa halka lagu qaado canshuurta, injineero la sheegay iney Ajnabi yihiin balse dalalkooda iyo waxa ay qabanayeen aan la shaacin iyo shacab kale oo halkaasi ka dhowaa.

Sidoo kale, waxaa jira waxyeello soo gaartay dad shacab ah oo xaafahadooda ku sugnaa, iyadoo lasoo sheegayo in ay jiraan guryo badan oo ku dumay dadkii deganaa.

Dhanka kale, khasaare maaliyadeed ayaa lasoo warinayaa in halkaasi ay ka dhalatay, waxaana gubtay gaadiid iyo Kaalin shidaal oo halkaasi ku taallay.

Laamaha ammaanka magaalada Muqdisho weli wax faah faahin ah kama aanay bixin qaraxan, balse waxaa socda baaritaanno ay hay’adahan wadaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News