U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Saldhigga Waaberi Oo Kordhay

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geeystay oo xalay lala bar tilmaameedsaday saldhigga degmada Waaberi ee gobalka Banaadir .

Taliska ciidadama Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in inta la xaqiijiyay ay goobta ku geeriyoodeen illaa 6 qof halka tira intaa la eg uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa .

Afhayeenka Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Saciid Tuundisho oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Saldhigga degmada Waaberi ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan Taliyihii saldhigga Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane ,Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid ayaa ahaa ku xigeenka Taliayaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir, Qof shacabka ah oo goobta ka ag dhawaa iyo Laba sarkaal oo kale .

Sawirada Goobta Uu Qaraxa ka dhacay