U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir Oo Kordhay

Sheeko:Amniga

Qarax Ismiidaamin ah ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa uu ka dhex dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Ruux soo xirtay walxaha qarxa ayaa isku qarxiyey hool uu ka socday shir looga hadlayey ammaanka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi ku sugnaa mas’uuliyiin dhowr ah.

Dadka weerarkaasi ku dhintey waxaa ka mid ahaa, guddoomiyahii degmada C/casiis, Sabaax C/laahi Asad, guddoomiyahii degmada Waaberi, Mahad Cilmi, guddoomiyahii degmada Shangaani, Sahra-zad Sheekh Maxamed, agaasimahii nadaafadda C/fitaax Cumar Xalane, agaasimahii shaqaalaha gobolka Banaadir, C/laahi Dheere, la taliye dhanka sharciga ahaa Xasan Sabriye.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Injineer C/raxmaan Cismaan Yariisow iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, kuwaasi lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan Ismiidaaminta ah, waxaana ay tilmaameen iney la damacsanaayeen wakiilka QM ee Soomaaliya, oo saacado kahor halkaasi ku sugnaa.
Dhanka kale, xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto qaraxan, sida uu u dhacay, cidda fulisay iyo waliba cidda fududeysay.
Goobjoog News