U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadii Ka Dhacay Af-urur Oo Kordhay

Sheeko:Dalka

Waxaa la helayaa faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxyo is xigxigay oo shalay ka dhacay deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa xaqiijiyey in dhimashadu ay gaartay 10 oo ah askarta ciidanka Puntland, waxaa sidoo kale jira dad shacab ah oo dhintay.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in dhaawaca uu gaarayo 30 ruux oo shacab u badan.

Qaraxyo Labo ah ayaa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland iyo sidoo kale dad shacab ah, waxaana goobtaasi la sheegay in lagu iibinayey Khaat.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaasi, waxaana ay sheegeen iney dileen 35 askari oo Puntland ah waa sidey halka u dhigeenne.

Goobjoog News