U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Shilkii Gaari Ee Maanta Ay Galeen Ciidamo Ka Tirsan Puntland Oo Sii Kordhay (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay shil maanta ay galeen ciidamo ka tirsan Puntland, ka dib markii uu la rogmaday gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen duleedka gobalka Nugaal.

Ciidankaan ayaa ka yimid gobalka Sool, waxaana ay kusoo socdeen dhanka magaalada Garoowe.

Inta hadda la xaqiijiyay waxaa geeriyooday 10 ka mid ah ciidamadaasi, sidoo kalena waxaa halkaasi ku dhaawacmay 10 kale oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

Saraakisha Isbitaalka magaalada Garoowe ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhaawacyada ciidankaan aan gudaha dalka waxba looga qaban karin, islamarkaana qaarkood ay roonyihiin.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Isbitaalka ku booqday dhaawacyada askarta, waxaana uu ilaahay uga baryay in uu caafimaad siiyo.

Gaas ayaa dhinaca kale tacsi u diray ehlada askartii ku geeriyootay shilkaasi, isaga oo amar ku bixiyay in dibadda loo qaado dhaawacyada aan gudaha dalka waxba looga qaban karin.

Hoos ka daawo sawirada

Shil6 Shil5 Shil4 Shil3 Shil2 Shil1

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada