U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Ankara Oo Sii Kordhay

Sheeko:Dalka

Qarax weyn oo ka dhacay magalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga ayaa sababay dhimashada 28 ruux halka dhaawaco uu gaaray 61 ruux sida laga soo xigtay saraakiil u hadashay dowladda Turkiga.

Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay ayaa la qarxiyey xili ay u soo dhawaanayeen basab waday ciidamo military ah oo halkaa marayey, sida uu saxaafada u sheegay Gudoomiyaha magalada Ankara.

Qaraxan ayaa ka dhacay goob aad ugu dhow xarunta baarlamanka iyo xarun weyn oo uu militarigu leeyahay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka turkiga Bekir Bozdag ayaa qaraxa ku tilmaamay in uu ahaa mid argagixiso.

Qaac weyn ayaa cirka isku shareerayey waxa ayna dad goobjoogayaal ah ku warameyn in qaraxa awooda uu lahaa darteed laga maqlay magalada oo dhan.

Dadka waxyeeladu soo gaartay waxa ku jira dad shacab ah oo ku sugnaa agagaarka halka qaraxu uu ka dhacay.

Qaraxan Ankara ka dhacay ma jirto cid sheegatay balse dowladda Turkigu waxa ay xustay in ay aaminsantahay in shaqadaa ay aqteen Kurdiyiinta Mucaaradka ah.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’antahay in uu sameeyo isdifaac nafsi ah.

Warsaxaafadeed uu soo saaray saacado ka dib markii qaraxu uu dhacay waxa uu madaxweynuhu sheegay in dowladdiisu ay ka jawaabidoonto waxii ka dhacay dalkiisa.

Mr Erdogan ayaa kansalay safar qorsheeysnaa oo uu ugu ambabixi rabay dalka Azerbaijan  maanta oo qamiis ah, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ra’iisul wasaaraha dalkaa  Ahmet Davutoglu  ayaa iskana baajiyey safar uu ku tagi lahaa magalada  Brussels ee dalka Belgium-ka halkaas oo lagu waday in uu uga qeyb galo shir looga hadlayo xasaradaha qaxootiga ee dalalka yurub soo galaya.

Goobjoog News