U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Kabul Oo Kordhay

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 57 qof ayaa ku dhimatay weerar Ismiidaamin ah oo lala beegsaday xarunta Diiwaan-gelinta codbixiyaasha ee ku taallo caasimadda Afghanistan ee Kabul sida ay sheegeen mas’uuliyin.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 119 qof oo kale, kaasi oo ka dhacay illinka hore ee xarunta Diiwaan-gelinta codbixiyaasha oo xiligaasi ay ku sugnaayeen dad badan.

Dadka dhintay 21 ka mid ah waa haween halka 5 ay yihin caruur.

Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, sida ay baahisay wakaaladda Acmaaq oo raacsan Daacish ninka is qarxiyey waxaa uu xirnaa Suunka qarxa kaasi oo isku qarxiyey xurnta, oo ku taallo galbeedka Kabul.

Ergada ururka Nato ee ku ugan gudaha Afghanistan ayaa cambaareeyay weerarkan

Diiwaan-gelinta doorashooyinka  ayaa bishaan ka bilowday Afghanistan, iyada oo loo diyaar garoobayo doorashooyinka Baarlamaanka ee lagu wado in la qabto bisha October.

Doorashooyinka Baarlamaanka ayaa la filayaa in sanadkan ay ka dhacaan Afghanistan, halka doorashooyinka madaxtinimada la filayo in ay qabsoomaan sanadka 2019-ka.

Weeraro kuwaan la mid ah ayaa horay loogu qaaday afar xarumood oo dadka lagu Diiwaan-geliyo tan iyo markii ay bilaabatay howsha diiwaan-gelinta.

Bilowgii sanadkan wasiirka arrimaha gudaha Afghanistan ayaa u sheegay BBC-da in Taaliban iyo Daacish ay beegsadaan dadka rayidka ah, iyaga oo u jeedadoodu tahay in dadka ay ku kiciyaan dowladda waddankana ay ku faafto fowdada iyo amni darrada.

Goobjoog News