U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Mandhera Oo Kordhay

Sheeko:Dalka

Waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay weerar ay habeenkii xalay ahaa ciidamada Al-shabaab ka geysteen magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Saraakiisha Booliiska ee magaaladaasi ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in weerarkaasi ay ku dhinteen 12 qof oo Kenyan ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 25 kale.

Dadkan ayaa la weeraray xilli saq dhexe ah, waxaana lagu weeraray goob ay ka deganaayeen magaaladaasi.

Weerarka ayaa markii hore ku billowday qaraxyo, iyadoo la maqlay illaa Shan qarax sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan Mandhera.

Dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la xaqiijiyey ineysan u dhalan Waqooyi Bari, balse ay kasoo jeedaan gobollada kale ee Kenya.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaana ay tilmaantay in muddo badan ay kasoo shaqeynayeen weerarkaasi.

Horraantii bishan Al-shabaab ayaa weerar sidan oo kale ah waxay ku qaadeen hoy ay deganaayeen dad Kenyan ah, magaalada Mandhera, waxaana halkaasi ku dhintay Lix ruux.

Goobjoog News