U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Xalay Lagu Qaaday Saldhigga Booliiska Ee Boosaaso

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar habeenkii xalay ahaa ay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saldhigga Booliiksa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarkaan ayaa isugu jiray Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo sidoo kale dagaal toos ah, kaasi oo saldhigga ka socday daqiiqado badan.

Dad ku dhowaa saldhiggan la weeraray ayaa Goobjoog News, u sheegay in ay maqleen qaraxyo xooggan kadibna rasaas culus oo daqiiqado badan socotay.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintey Hal qof, waxaana ku dhaawacmay 5 kale oo la sheegay inuu ku jiro taliye ku xigeenkii saldhiggaasi.

Weli weerarkaan kama aanay hadal saraakiisha Booliiska Boosaaso iyo sidoo kale maamulka magaaladaasi.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa qoraal ay kusoo qoreen baraha ay Internetka ku leeyihiin ku sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Goobjoog News