U bood dhigaalka

Khasaaraha Naf Iyo Maal Ee Ciidamada Kenya Ka Jooga Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Sida ay qortay warbaahinta Kenya, dalka Kenya si cad weli ugama hadlin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ciidamadiisa ka jooga Soomaaliya.

Ugu yaraan 1,000 oo Kenyaan ah ayaa la sheegayaa in ay ka dhinteen Kenya tan iyo 2011-dii kadib afduubkii labo dalxiise oo Faransiis ahaa.

Qoysas badan ayaa dhibaato ka soo gaartay kadib markii Soomaaliya lagu dilay qofkii biili jiray, dowladda Kenya weli dadkaasi ma siin wax mag-dhaw ah.

Khubaro xagga Militariga waxaa ay sheegayaan in dowladda Kenya ay Sh7,000 maalin walba ugu baxeyso si hal askari u sii joogo Soomaaliya, waxaa ku jira cunto, gaari-raac, caafimaad, xiriirka iyo biyaha, bishii Sh210,000  halka sanadka uu noqonayo Sh2.52 million.

Hadda gudaha Soomaaliya waxaa ku sugan illaa  4,000 oo ciidamo Kenyan ah, lacagta sanadkii ku baxeyso waa  Sh10.08 billion.

Dhowr xog uruurin oo laga sameeyay gudaha Kenya, 68-70% dadka waxaa ay taageersan yihiin in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, 40% waxaa ay qabaan in Al-shabaab ay weeraro uga geysato gudaha Kenya sababta oo ah ciidamada Kenya oo jooga Soomaaliya.

Goobjoog News