U bood dhigaalka

Khasaaraha Qaraxa Hotel Naasohablood

Sheeko:Dalka

Khasaaraha ka dhashay qaraxa galabka ka dhacay Hotel Naasohablood ayaa sii kordhacaya, inta la xaqiijiyay dhimashada 10 ruux iyo in ka badan 35 qof oo dhaawac ah.

Weriyaasheena aaday goobta qaraxa ka dhacay iyo qaar kale oo Isbitaallada booqday waxaa ay sheegayaan in xabadaha ay weli socdaan, dadkana la daadgureynayo.

Waddada Maka Al Mukarama ayaa weli go’an, gawaarida iyo dadka ayaa waxaa ay isticmaalayaan waddooyinka ka fog halka ay xafadaha ka dhacayaan.

3

wixii faahfaahin ah kala soco, Goobjoog News