U bood dhigaalka

Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho Oo Dhammeystiran

Sheeko:Dalka

Khasaare ayaa ka dhashay ilaa 3 qarax oo xalay  ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaa ka kala dhacay meelo u dhow xarummaha Villa Somalia iyo NISA.

Weriyeyaasha Goobjoog News  ayaa booqasho iyo xiriir la sameeyay Isbitaallada magaalada Muqdisho si xog dhab ah looga helo dadkii waxyeelladu soo gaadhay.

Xogtan hoose waxa laga helay ilaa 5 Isbitaal, waana kuwii la geeyay dadka ugu badan ee waxyeelladu soo gaartay.

Isbitaalka Madiina: sida uu Goobjoog News  madaxa Isbitaalka Dr. Cabdiqadir Macalin Xuseen u sheegay waxaa la geeyay meydadka 27 iyo 12 dhaawac ah, dhaawacyadii la geeyay labo ayaa geeriyootay, 10-na waa la jiifiyay.

Daaru-shifa: Waxaa Goobjoog News la hadlay Dr. Cabbaas Maxamud, agaasimaha Isbitaalka, waxuuna sheegay in la soo gaarsiiyay 15 dhaawac ah, 8 fudud, 6 la jiifiyay halna wax looga qaban kari waayey cisbitaalka.

Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer): Dhakhaatiir la hadashay Goobjoog News waxaa ay noo sheegeen in 7 dhaawac ah la soo gaarsiiyay.

Isbitaalka Ummah: Qaar ka tirsan dhakhaatiirka ayaa Goobjoog News u sheegay in ay soo gaareen 16 dhaawac ah, oo labo ka mid ah ay u gudbiyeen Erdogaan, halka mid kale uu Isbitaalka ku dhintay.

Isbitaalka Keysaney: Isbitaalka Keysaney dhakhaatiir ka tirsan ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in la gaarsiiyay 8 dhawac ah, 4 fudud oo la diray iyo 4 la jiifiyay.

Dhinaca kale C/casiis Xildhibaan, afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sheegay iney toogteen 5 ka tirsan dagaalyahannada A-shabaab ee weerarka soo qaaday,

Guud ahaan dhimashada ay Goobjoog News diwaan-gelisay waa 35 halka dhaawaca uu gaaray 55 qof.

Goobjoog News