Booliiska dalka Jarmalka ayaa sheegay in uu gaari ku qarxay  bartamaha magaalada Berlin waxyar ka hor.
Hal qof ayaa la xaqiijiyay  in uu qaraxaasi ku dhintay iyadoo uu burburay gaarigii iyo waddadii dhacdada ay ka dhacay, qofka dhintay ayaa la sheegayaa in uu ahaa wadihii Baabuurka.
Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Charlottenburg, lama oga sababta lakin waxaa dadka loo sheegay in aanay u soo dhawaan goobta uu qarax ka dhacay.
Booliiska dalkaas ayaa waxaa ay wadaan baaritaan arrinkaas la xiriirka, cidna ma sheegan mas’uuliyadda qaraxa.