U bood dhigaalka

Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Ah oo Ka Dhashay Guri Ku Soo Dumay Shaqaalihii Dhisayay

Sheeko:Dalka

Warar dheerada ayaa ka soo baxaya khasaare kala duwan oo ka dhashay shaqaale uu ku soo dumay guri ay dhisayeen oo ku yaalla xaafadda Banaadir degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaan ka soo baxaya faahfaahinno kala duwan.

Inta la xaqiijiyay labo shaqaale oo ah kuwii dhisayay guriga ku soo dumay ayaa geeriyooday halka saddex kalne ay ku dhaawacmeen waxaana guriga la sheegay in uu ahaa guryihii hore kaas oo la doonayay in inta la dumiyo markale dib loo dhiso.

Goobta ayaa waxaa gaaray gaadiidka gargaarka degdega ah kuwaa oo goobta ka soo qaaday dadkii ku dhaawacmay guriga soo dumay.

Ma jirto wax wara oo wali ka soo baxay maamulka degmada Hodan oo ay dhacdadaan uga hadlayaan waxaana iminka la sii guda galayaa xilli roobaadkii.

Goobjoog News