U bood dhigaalka

Khasaare Hantiyeed Oo Soo Gaaray Kalluumeysatada Ka Jallaabta Xeebaha Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka Iskaashatada kalluumeysiga ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay shirarka iyo mowjadihii xooganaa ee shalay ka dhacay xeebaha magaalada Muqdisho.

Xasan Maxamed Rooble oo ah guddoomiyaha iskaashatada kalluumeysatada Muqdisho ayaa Goobjoog u sheegay in xiligaan aysan ahayn xiligii la filan jiray dabaylaha badda ka kacay.

Xilliyada bad xiranka ayuu sheegay in dabaylahaan oo kale la filan jiray balse haatan iyadoo kalluumaysatadu shaqooyinka caadiga ahaa ku guda jiray ay dheceen Mowjado xooggan oo xeebaha Muqdisho laga dareemay taas oo xitaa hakad yara gelisay shaqadii Dekadda Muqdisho, inakastoo dib ay u billaabatay.

Guddomiyaha ayaa sheegay in Kallumeysatadii badda ku jiray ay khasaare kala kulmeen sida in qaarkood ay la rogmadeen doomihii, halka qaarna ay ka burbureen shabaqaydii Kalluunka lagu qabanayey.

Waxaa jiray warar xigashadooda aan sugneen oo shalay dadka loo sheegay in biyaha badda ay soo baxeen oo meelo ka baxsan xeebta soo gaareen, hase ahaatee wariyayaal ka tirsan Goobjoog News oo tagay xeebaha Muqdisho ayaa xaqiijiyey in warkaa aanu jirin balse mowjadaha badda ay kacsanaayeen.

Goobjoog News