U bood dhigaalka

Khasaare Intee La Eg Ayaa Ka Dhashay Dagaalkii Afgooye?

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay fiidkii waxa uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabelle Hoose, waxaana dagaalkaasi uu geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ku biloowday gaari Ismiidaamin ah oo Al-shabaab ay la eegteen saldhig ciidamada Booliiska ku lahaayeen degmada Afgooye, waxaana intaasi xigay dagaal xooggan.

Ugu yaraan 10 qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay, waxaana kamid ah dadka geeriyoodey isku duwihii maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed ee gobolka Shabellaha Hoose Maxamuud Qooleey iyo Labo sarkaal oo ka  tirsan ciidanka dowladda Federaalka.

Inta dagaalkan uu socday waxay Al-shabaab ku faafeen xaafado badan oo ka tirsan degmada Afgooye, inkastoo ugu dambeyn ay dib uga baxeen meelihii ay qabsadeen.

Xaaladda guud ee degmada Afgooye saakay waa mid deggan, waxaana guud ahaan degmadaasi ku sugan ciidamada dowladda Federaalka ah.

Waxaa jira dad shacab ah oo waxyeello kasoo gaartay dagaalladaasi, iyadoo dadka dhaawaca ah loo soo qaaday Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Ibraahim Aadan Cali oo ah guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose ayaa u sheegay warbaahinta in gaariga ay Al-shabaab qaraxa ku fuliyeen inuu ahaa gaari Homey ah oo qudaar lasoo saaray.

Al-shabaab ayaa dhankooda warbaahinadooda ka sheegtay in guul ay ka gaareen dagaalkii shalay ka dhacay degmada Afgooye.

Goobjoog News