U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Bam Lagu Tuuray Guri Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa lagu weeraray guri ku yaalla xaafadda Fagax, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Gurigan ayaa la sheegay iney ku sugnaayeen dhallinyaro badan, islamarkaana la tilmaamay in habeenkii isaga fiidsadan jireen, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan Bamka ah ku dhaawacmay in ka badan 10 qof, kuwaasi oo dhaawacyadooda loo kala qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho qaarkood.

Sida ay inoo sheegeen dadka ku dhaqan xaafaddan qaarkood, Labo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladooda aad looga deyrinayaa.

Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa sameeyey howlgal baaritaan ah, mana jirto weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Yaaqshiid iyo sidoo kale saraakiisha ammaanka ee degmadaasi.

Goobjoog News