U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Ciidamada Dowladda Federaalka Ah Oo Dhexda Loo Galay

Sheeko:Dalka

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah oo dhexda loo galay agagaarka  Ilbaq, oo u dhow magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Ilaa 8 qof ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen dad kale uu ku jiro taliyii guutada 3aa ee ciidamada ibrahim yusuf .

Weriyaha Goobjoog News ee  Shabeellada dhexe ayaa sheegay inay ciidamadan ay ka yimaadeen magaalada Jowhar, una soo socdeen magaalada Muqdisho, arrimo la xiriira diiwaan-gelinta ciidanka.

Goobjoog News