U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Dagaal Far-Libaax Ku Dhex Maray Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ciidamo Al-shabaab ah ayaa xalay  jidka u galay gaadiid iyo ciidan ay laheyd dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku socday Far Libaax, gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare.

Jamaal Xaaji, guddoomiyaha degmada Far Libaax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamo Al-shabaab ahaa ay dhexda u galeen kuwoo dowladda ah oo Far Libaax ku socday, waxaa uu intaa raaciyay in goobta uu ka ag dhawaa saldhig ay leeyihiin militariga Soomaaliya.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay waxaa uu leeyahay, Al-shabaab waxaa ka dhintay 4 askari, 3na dhaawac ayey ku qaateen halka dhanka dowladda laga dilay 2 askari.

Al-shabaab waxaa ay ka talisaa deegaanno badan oo Hiiraan ka tirsan, gaar ahaan meelaha ka fog magaalooyinka waaweyn, waxaa ay sidoo kale weeraro ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda.

Goobjoog News