U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay askar ka wada tirsan ciidanka dowladda federaalka ayaa maanta ka dhacay xaafadda Siliga Maraykanka, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo bilowday saakay ayaa soo gaaray illaa barqanimadii maanta, waxaana uu ka dhashay kadib markii lagu murmay dhul la sheegay in ay burburin rabeen garab ka mid ah askartan dagaallantay.

Inta la xaqiijiyey Hal qof ayaa dagaalkaasi ku dhintey, qof kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray, sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan xaafadda Siliga.

Wararka aynu sidoo kale ka helayno xaafaddan ayaa sheegaya in barakac xooggan uu halkaasi ka socdo, iyadoo shacabkii deganaa Siliga ay bilaabeen in xaafadaha kale ee degmada Wadajir u barakacaan.

Goobjoog News ayaa isku dayday in ay arrintan xiriir kala sameyso maamulka degmada Wadajir, hase ahaatee ma aanay suurtagelin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News