U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Doon Ku Rogmatay Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa doon xalay fiidkii ku rogmatay Wabiga Shabelle, gaar ahaan deegaanka Raqeyle ee gobolka Shabellaha Hoose.

Doonidan ayaa la sheegay in ay saarnaayeen 20 qof, waxaana ku rarnaa raashiin uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed.

Sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen waxay doonidan ka amba baxday degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana ay kusii jeedday deegaanno kale oo gobolkaasi ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay 7 ruux oo ay ku jirto hooyo iyo Afar Caruur ah oo ay dhashay.

Dadkan ayaa doonida u raacay rakaab ahaan, kadib markii la sheegay iney ka baqeen in gaari ugu safraan deegaannada ay u socdeen, maadaama waddooyinka ay kusoo bateen maleeshiyaad dadka dhac u geysta.

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose iyo kan degmada Afgooye weli kama anaay hadal dhacdadan.

Goobjoog News