U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Furitaanka Kheyre ee Garoonka Kubadda Cagta Baydhabo

Sheeko:Amniga

Inkasta oo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu bixiyey lacag dhan ilaa 150,000 Dollar oo lagu horumarinayo garoonka kubadda cagta ee  Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo hadana intii lagu jiray xafladda qaban-qaabada dhagaxdhigga waxaa dhacay labo arrin oo shacabka Baydhabo aad uga xumaadeen.

Ilo ku sugan xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, Baydhabo ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamo magaalada gudaheeda joogay ay xabad ku fureen Maxamed Aadan Deerow, oo ahaa nin dhalinyaro ah, oo gaari ku dhexwatay magaalada taasi oo keentay inuu dhinto, ciidamada ayaa sabab uga dhigay dilka iney ka shakiyeen.

Dhinaca kale, waxaa muddo 3 saac ah la damiyey isgaarsiinta iyo Internetka magaalada Baydhabo, oo ah inta ah xafladda socotay, taasi oo keentay oo ganacsiyo badan ay khasaaraan.

Maanta waxaa lagu wadaa ra’isul wasaare Kheyre inuu gaaro magaalada Xudur ee caasimadda Bakool, ajendaha ma cada.

Goobjoog News