U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Gaari Xoogga Dalka Ah oo Rogmaday.

Sheeko:Amniga

Gaari ay wateen ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa Milatariga qeybta 21-aad ayaa maanta ku rogmaday inta dhaxeyso deegaanka Gelisoor ee gobaka Galgaduud  iyo magaalada Gaalkayo ee gobalka Mudug.

Gaariga rogmaday oo ahaa nuuca Cabdi bilaha ah ayaa rogmaday ka dib  markii wadihii gaariga  uu xakamayn waayey, taas ayaana sababtay wadada inuu ka baxo ka dibna uu rogmado.

Sidoo kale waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray ciidamada saarnaa gaariga inta la xaqiijiyey ilaa lix askari ayaa ku dhaawacantay gaariga kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo xaaladooda lagula tacaalayo.

Wadada u dhaxeysa magaalooyinka Gelinsoo iyo Gaalkacyo ayaa badanaa waxaa ka dhaca shilal gaari ayadoo ay ugu wacan tahay wadada oo burbursan iyo gawaarida si xowli ah loo kaxeeyo waxaana ka dhasha dhimasho iyo dhaawacyo soo gaara dadka rakaabka ah ee ku safraya wadadaasi.

Goobjoog News