U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Guri Dhisme Ku Socday Oo Kusoo Dumay Dadkii Dhisayey, KM-4

Sheeko:Dalka

Saddex qof ayaa ku geeriyootey, 3 ayaa dhaawac ah, Lix kalena waa lagu la yahay kadib markii uu kusoo dumay guri ay ka dhisayeen Shineemo hore Ekwadoor ee KM-4, magaalada Muqdisho.

Waxaa socoda dedaal xooggan oo lagu raadinayo dadka kale ee goobta lagu la yahay, sida ay soo sheegayaan wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News.

Gurigan ayaa dhismihiisu bilow ahaa, balse wuxuu hoos u qodnaa dhowr Mitir.

Lama oga waxa sababay inuu gurigan dumo, waxaana goobta gaaray dadweyne badan iyo sidoo kale gaadiidka gurmadka ee magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News