U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Hoobiyeyaal Ku Dhacay Xaafad Ka Tirsan Gaalkacyo, Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in hoobiyeyaal ay dhaceen xaafadda Garsoor, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Guri ku yaalla xaafaddan waxaa ku dhacay Hoobiye, waxaana halkaasi ku dhintey Hal qof oo dumar ah, iyadoo canug yar oo guriga ku sugnaaa uu dhaawac soo gaaray.

Ciidamada ammaanka Gaalkacyo ayaa wada howlgal ballaaran oo ay ku doonayaan iney ku ogaadaan halka Hoobiyahan laga soo tuuray, iyadoo dadka Gaalkacyo ay arrintan ka qalqaleen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News