U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Is Rasaaseyn Ka Dhacday Suuqa Xamarweyne

Sheeko:Amniga

Ciidamada booliska dagmada X/weyne  oo is ku dayayey in ay gacanta ku dhigaan koox  burcad ah ayaa  iyaga iyo burcaddii  waxaa is rasaaseynku dhex martay  suuqa dagmada  Xamar-weyne,.

Kooxda burcada ah ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen 3 ruux kuwaas oo doonayay inay dhac u geystaan dadka  u soo dukaameysi tagay suuqa iyo kuwa ku suganba, maadaama suuqa aad  u badan tahay saxmadiisa oo dadkuna u diyaar garoobayaan munaasabadda Ciida.

Khassare ayaana Ka Dhshay Israsaaseynta ka dhacdey Suuqa Xamarweyne. ilo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in caawa ay ciidamada boliiska degmada X/Weyne  ayaa sheegay in ay ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacaayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida.

Burcadka ayaa dagaalamay, israsaaseyn ka dib sadaxdii burcad oo mid dhaawac yahay ayaa gacanta lagu dhigay. Sadax shacab ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray hal kalena ku dhintay israsaaseynta burcadka oo galay goob dukaan.

Goobjoog New