U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Israsaaseyn Dhexmartay Ciidamada Puntland Iyo Koox Qaadwale Ah

Sheeko:Amniga

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal dhexmaray ciidamo ka tirsan Puntland iyo koox Qaadwale ah oo ka dhacay gobolka Sool.

Dagaalka dhexmaray Ciidamada Maamulka Puntland iyo kooxdaan ayaa waxaa uu sababay dhimashada hal qof halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Buuro-wadal oo ka tirsan gobolka Sool, taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Sool C/risaaq Maxamed Cabdi Geelle ayaa Goobjoog News uga waramay sida ay wax u dhaceen waxaa uuna yiri.

“Niman qaadwale ah iyo ciidanka canshuuraha ayaa waxaa dhexmaray shaqo markii ay wax dhaceen oo Meydkii la soo qaaday kii dhaawaca ahaa ayaan u tagay dagaalkana waxaa sababay khilaaf soo kale dhexgalay ciidamada Booliska iyo kooxda Qaadwaleyaasha ah”.

Israsaaseyntaan dhexmartay ciidamada booliska Puntland iyo kooxdaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada ay ka dalbadeen in ay bixiyaan Canshuur halka iyagana ay ka biyo diideen.

Goobjoog News