U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Madaafaiic Kusoo Dhacay Degmada Wadajir Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa madaafiic gelinkii dambe ee maanta kusoo dhacay xaafadda Kaawo Godey, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii la sheegay in madfac Hoobiye ah uu ku habsaday guri ku yaalla agagaarka isgoyska Kaawo godey, waxaana dadka dhaawacmay isugu jiram carruur iyo haween.

Waxaa jirta madaafiic kale oo ku dhacday degmada Wadajir, kuwaasi oo iyaguna aan la shaacin khasaaraha ay geysteen.

Maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, faah faahin kama aaney bixin duqeyntan, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dadkii ku dhaawacmay madaafiicdaasi loola cararay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Todobaadkii hore, xaafadda Kawo godey ee degmada Wadajir waxaa ka dhacay qarax sababay dhimashada in ka badan 30 ruux iyo dhaawaca 60 kale.

Goobjoog News