U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Degmada Baardheere

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmadaasi ayaa la sheegay in gaari NOAH ah ay ku celiyeen Koontarool laga soo galo degmadaasi, waxaana la sheegay in ay ciidanka haysteen warbixin.

Goobjooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada ay ammar ku siiyeen darawalka in uu kasoo dego gaarigaasi, hase ahaatee uu is qarxiyey.

Waxaa halkaasi ku dhintey Shan qof oo kala ahaa, ninkii is qarxiyey, Labo ka mid ah ciidamada Itoobiya iyo sidoo kale Labo qof shacab ah oo saarnaa gaari halkaasi marayey, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Xaaladda halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid kacsan, iyadoo ciidamada Itoobiya ay durba bilaabeen howlgallo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News