U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Hal qof ayaa ku dhintay halka labo kale ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Taleex, agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Darawalka gaari  Noah ayaa halkaasi ku dhintay, waxaana loogu xiray gaariga, sidaasi waxaa xaqiijiyey hey’adaha gargaarka.

Kooxda gargaarka ee Aamin Ambulance ayaa xaqiijiyey geeriga iyaga oo intaasi raaciyey in labo kale ay ku dhaawacmeen..

Todobaadkii hore isla KM4 waxaa ka dhacay qarax midkan la mid ah waxaana ku geeriyooday muwaadin  engineer  ahaa oo ka yimid Bakistaan.

Goobjoog News