U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Ciidamo Kenya Ah

Sheeko:Dalka

Qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ciidamo Kenyan ah waxaa lagula eegtay degmada Lamu oo ku dhow xadka dalkaasi uu la wadaago Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ahaa sida la sheegay Miino dhulka lagu aasay, waxaana lala eegtay kulonyo ay la socdeen ciidamada Kenya.

Saraakiil u hadhay ciidanka Kenya ayaa xaqiijisey geerida 1 askari iyo dhaawaca 5 kale.

Qaraxan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa sidoo kale waxa uu burbur soo gaarsiiyey gaarigii ku qaraxday Miinada.

Ciidamada Kenya ayaa weeraro iyo qaraxyo sidan oo  kale ah kala kulma dagaalyahannada Al-shabaab, wixii ka dambeeyey markii ciidanka Kenya gudaha Soomaaliya soo galeen 2011.

Goobjoog News