U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Shil sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay duleedka degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ku rogmaday deegaan duleedka ka ah degmada Hobyo, waxaana halkaasi ku dhintey Hal qof, waxaana dhaawacmay Labo kale sida uu inoo sheegay qof goob jooge ah.

Dadka ku dhaawacmay shilkaan ayaa loola cararay Isbitaallada ku yaalla magaalada Gaalkacyo, si xaaladooda wax looga qabto.

Wararka qaar waxay sheegayaan in sababta gaarigan u rogmaday ay tahay darawalka oo si xowli ah u kaxeynayey, kadibna uu ku tagey dhul aan sinneyn.

Shilalka sidan oo kale ah ayaa marar badan waxay ka dhaceen deegaannada gobolka Mudug, kuwaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Goobjoog News