U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Weerar Al-shabaab Ku Qaadeen Saaka Saldhig Ciidamo

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in saaka oo Jimce ah ay weerar ku qaadeen saldhig Militari oo Ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Bariire, Shabeelada hoose.

Afhayeen u hadlay xarakadan ayaa intaa ku daray in 17 askari ka dileen ciidamada xoogga dalka, iyaga oo qaatay hub iyo saanad kale.

Ma aha markii ugu horeysay ee Al-shabaab ay weerar ku qaadaan xeryaha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka baxsan caasimadda, waa weerarkii 3aad muddo sadex todobaad ah.

Weerarkan weli wax war aha kama soo saarin dowladda federaalka ah,

Faah-faahinta kala soco, Goobjoog News