U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Saldhigga Booliska Gobolka Nugaal

Sheeko:Amniga

Khasaare dhaawac u badan ayaa ka dhashay weerar ay ciidamo horey uga tirsanaa Puntland ku qaadeen xarunta saldhigga dhexe ee magaalada Garoowe.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland ayaa la xaqiijiyey inuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi.

Ciidamada ku qaaday weerarka Saldhigga dhexe ee Magaalada Garoowe ayaa la sheegay in ay gaarayeen ugu yaraan 10 askari kuwaasi oo horay shaqada looga eryay kadib markii lagu eedeeyay in ay gabeen shaqadoodii.

Darbiyada Saldhigga Booliska ee Garoowe ayaa waxaa gaaray burbur xooggan oo ciidamadan weerarka qaaday ay geystee, taliyaha ciidamada Booliska Cumar Cabdullahi Faroweyne ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarka lagu soo qaaday Saldhigga booliska.

“Taliska booliska waxaa soo weeraray koox abaabulan oo ah jiri markii horana waxaa ay ka mid ahaan jireen taliska ciidanka booliska gaar ahaan gaar ahaan qeybta booliska gobolka Nugaal markii hore ciidankaas waxaa ay ahaayeen ciidan aan shaqeynin oo shaqeysan waayay dhorw jeerna aan ka codsannay in ay shaqeeyaan,sidaas darteed maadaama wakhti xasaasi ah lagu jiro waxaa la rabaa in magaalada amnigeeda wax laga qabto”.

Weerarka ay ciidamadan ku qaadeen Saldhigga booliska Garoowe ayaa waxaa uu socday muddo daqiiqado ah, waxaana la sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay horay uga tirsanaan jireen ciidamada booliska gobolka Nugaal.

Goobjoog News