U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Weerar Lagu Qaadey Xaflad Aroos, Dalka Ciraaq

Sheeko:Dalka

Ilo wareedyo Caafimaad ayaa waxay sheegayaan  inay dhinteen 26 qof, ayna dhaawacmeen ku dhawaad 30 kale markii lala beegsaday qaraxyo ismiidaamin  ah  meel lagu qabanaayay xaflad Aroos oo ku  taallo waqooyiga waddanka Ciraaq.

Axmed Maxamed oo ka tirsan Booliska ayaa waxa uu sheegay in dadka qaraxyada fuliyay ay wateen suumanka la isku qarxiyo isagoo xusay inay si toosa ay u beegsadeen meesha ay ka dhaceysay xafladda Arooska.

Dadka uu dhaawaca ka soo gaaray qaraxyadaan ayaa waxaa loola cararay Ispitaallada,iyadoo saraakiisha caafimadka  ay sheegeen in qasaaraha uu intaas ka badan karo.

wali cidana masheegan mas’uuliyadda qaraxyadaan lala beegsaday xafladda Arooska, balse qaraxyada ceynkaan oo kala ah ayaa waxaa la aaminsanyahay inay ka dambeeyaan ururka Daacish.