U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Weerar Lagu Qaadey Xarunta Wardhiigley, Qaraxii 3aad ee Ramadaankan

Sheeko:Amniga

Booliiska gobolka Banaadir ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey iney dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen qarax gaari oo lala eegray xarunta degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay sida la sheegay kadib markii uu gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey gudaha u galay xarunta halkaasi oo khasaare ka dhashay.

Waa qaraxii 3aad ee dhaca bisha barakeysan ee Ramadaan, waana kii ugu khasaaraha badnaa.

Faah-faahinta kala soco, halkan.

Goobjoog News