U bood dhigaalka

Khasaare Nafeed Oo Ka Dhashay Daadad Ku Soo Rogmay Magaalada Qardho

Sheeko:Dalka

Roobab xoogan oo ka da,ay magaalada Qardho ee gobalka Bari ee Puntland iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa geestay khasaare soo gaaray dad reer guuraa ah  ku dhaqan magaalada Qardho..

Roobabka oo bilaawday galinkii danbe ee shalay ayaa soo gaaray ilaa 9:00 kii subaxnimo ee saakay asagoo biyo badan dhigay Togaga waaweyn  taas oo keentay in daaday ay soo rogmadaan.

Inta la xaqiijiyay qoys ka 8  ruux  ka koobnaa  3 ka mid ah waxaa qaaday dadadkii Roobka ayagoo aan la heyn  geeri iyo nololba halka 5-tii ruux ee kale gurmad loo fidiyay oo ayagoo kooma ku jira  loo qaaday Isbitaalka guud ee Garowe.

Degaanka Xaaji kheyr waa halkii ay daganaayeen qoyska dhibku soo gaaray, caruurta ayaa kala ahaa daadku qaaday  gabadh 17 sano jir ah iyo laba carruur ah oo ka yaraa  waxaana la tagay daadkii ka soo rogmaday tuulada Xaaji Cali.

Waxaa sidoo kale sidoo kale daadku ay la taageen xoolo iyo Gaadiid sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada Qardho ee Puntland oo ku howlanay gurmadka dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Qaar ka mid ah waxgaradka degaanada qaar ayaa sheegay in roobka uu da’aayay Saacaddo badan taas oo keentay in uu daaday badan ku soo rogo.

Goobjoog News