U bood dhigaalka

Kheyre “Colaadda Tukaraq Halagu Bedalo Nabad”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa isaga oo ku sugan magaalada Garoowe waxa uu ku baaqay in nabad lagu bedalo colaadda deegaanka Tukaraq ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Waxa uu sheegay Kheyre in muqaddas ay tahay midnimada Shacabka Soomaaliyeed, dhanka kalena ay dalbanayaan in nabad iyo horumar lagu bedalo colaadda Tukaraq.

“Aafada cusub ee dagaalka Tukaraq ee nahor taallaa waa in lagu bedelaa xasilooni, waa in lagu bedelaa horumar waa in lagu bedelaa midnimo, Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waa Muqaddas, dadka Soomaaliyeed meel kala aadimaayaan hadii ay wax kala tabanayaan waa in ay isu yimaadaan. Hadii aad tahay Dhalinyaro Haween iyo Culimo, qof waliba oo Soomaaliyeed waa in uu aqbalaa dhib waxaa noogu filan 30-kii sano ee lasoo dhaafay”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool ayaa waxaa isku haya Somaliland iyo Puntland, waxaana dagaallo halkaasi ka dhacay ka dhashay khasaare kala duwan oo Labada dhinac ah.

Goobjoog News