U bood dhigaalka

Kheyre “Gogosha Dib u Heshiisiinta Galmudug Waxay Taallaa Dhuusamareeb”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in gogosha dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay taallo degmada Dhuusamareeb.

“Waxaan ku faraxsanahay, ugana mahadcelinayaa in codsigeyga uu aqbalay Sheekh Shaakir isaga oo ku hadlaya magaciina, sidaasi darteedna aan idiin caddeynayo in gogoshii dib u heshiisiinta ay taalla magaalada Dhuusamareeb”

Xasan oo ka hadlay munaasabad xalay lagu qabtay ayaa tilmaamay in Ahlu-sunna ay aqbashay in hay’adaha amniga DFS ka shaqo bilaabaan degmadaasi.

Sidoo kale, wuxuu hay’adaha faray in shaqadooda qabsadaan si loo suurtageliyo gogosha nabadda iyo doorashada Galmudug.

“Waxaan fareynaa hay’adaha amniga dowladda federaalka ineybilaabaan iney qabsadaan shaqadooda si loo suurtageliyo gogosha dib u heshiisiinta iyo doorashada, shaqaduna ma ahan isbuuca soo socda ama bisha soo socota ee waa in ay bilaabaan maalinta berrito ah”

Kheyre ayaa tilmaamay in la dhisi doono Galmudug loo mideysan yahay islamarkaana laga heshiinayo wax walbo oo la kala tabanayey.

Goobjoog News