U bood dhigaalka

Kheyre: Intaadan Amniga Sugin, Waa In Aad Adkeysaan wada Shaqeytiinna

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay halka labo kale ku dhaawacmeen kadib isku dhac ciidamada nabad sugidda iyo ciidan kale oo ay tababareen Imaaraadka, dagaalka waxaa uu ahaa Tarabuunka, Hodan ee magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cali Xasan Kheyre oo arrintaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in dagaalka ahaa mid  foolxun,   isaga oo intaasi raaciyay in askar qoryaha loogu dhiibay difaaca dalka, Kheyre oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Mar hore waxaan leenahay in ciidamo kala duwan ay sugayaan ammaanka Muqdisho, iyada lafteedu waa horumar,  intaadan amniga sugin waa in aad adkeysaan wada shaqeytiinna, qalabkan iyo qoryahan waxaa la iidiinkugu dhiibay canshuurta shacabka laga uruuriyay  si amniga ku sugtaan, waxaan idiinka codsaneynaa adinka iyo taliyeyaashiina in aaney dhicin isku dhac ciidamo kala duwan, qalabkan waxaad u heysataan in aad u difaacdaan umadda iyo cadawga ijaafeeyay ee ma aha in aad isku qaldantaan”.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa uu taliyeyaasha ka codsaday in mar dambe qaladkan aanu soo laaban “taliyeyaasha waa inaad qaadaan tillaabo kasta si aaney isku qatalmin ciidamada”.

Arrinta in ay isku dhacaan ciidamo meelo kala duwan ka amar-qaata oo ka wada tirsan dowladda ayaa noqoday kuwa soo noq-noqda, arrintaas oo caadi ka noqotay meelo badan oo dalka ah.

Goobjoog News