U bood dhigaalka

Kheyre “Labo Bil Ayaa Laga Dhammeynayaa Dhismaha Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye lagu soo gaba- gabeeyn doono muddo laba bil ah.

Ra,iisul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay isku dayday in ay joojiyaan dhismaha ka socda Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, isla markaana Ciidamada Qalabka sida ay fashiliyeen isku day weeraro ay ku soo qaadeen Injineerrada ku howlan dhismaha Waddada.

Kheyre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan Al-shabaab si looga guuleysto.

Wadadaan ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka Gaadiidka iskaga kala goosha Muqdisho iyo Gobolada dalka, waxeyna kordhinaysaa kobaca dhaqaalaha dalka.