U bood dhigaalka

Kheyre: Maanta Laga Bilaabo Shaqadeennu Waa In Dalka Gaarsiinno Doorasho

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka hadlayey kulanka golaha wasiirrada ayaa sheegay iney maanta laga bilaabo xukuumadiisa ka shaqeyn doonto sidii dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay si loo helo xasilooni siyaasadeed.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa uu yiri” Dalka afratii sano mar waa in uu doorasho galaa doorasho dadka dhan isla ogol yihiin, haddii aysan isla ogoleyn intaooda badan ay isla ogol yihiin, doorasho ayaa ka dhici jirtay wadankaan noocii ay rabto ha ahaatee, waana waxa nasiiyey(legitimacy) dalka in ay doorasho ka dhacdo ayaa ka muhiimsan inta kale oo macnaheedu tahay in qof weliba uu ku dhaco dareenkiisa in dalkaan afartii sano mar ay doorasho ka dhacdo, hadda waxaa gacanta ku haayo baarlamaanka oo uu ka hoos shaqeeyo guddi,.

Kheyre oo sii hadalaya ayaa intaas ku daray “Ka siyaasi ahaan madaxdii qaranka oo golihiina wasiirrada ah, waxaan rabaa inaad ku fakartaan oo aan ogaanno laga bilaabo maanta in shaqadeennu ay noqon doonto in aan isku deyno sida aan dalkan ku gaarsiin laheyn doorasho umadda Soomaaliyeed u dhantahay, xasilloon, nabad ah, dadku ay qeyb ka noqdaan, sababtu waxaa ay tahay wax walbo aan soo dhisno waxay ku nagaanayaan oo ay ku sii soconaayaan in dalku uu leeyahay xasillooni siyaasadeed waana ka shaqeynaynaa haddii Allah uu yiraahdo.

Arrintan ayaa waxaa ay in badan meesha ka sareysaa shaki laga qabay in Nabad iyo Nolol ay meemeeriso waqtiga doorashada, isla markaana ay raadiso waqti kororsi.
Goobjoog News