U bood dhigaalka

Kheyre Oo 3 Xildhibaan Wasiirro Ka Dhigey, 50 Xildhibaan in Ka Badan Ayaa Xukuumaddiisa Ku Jirta

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah Xasan Kheyre ayaa maanta waxaa xukuumadda ku daray 3 xildhibaan.

Xubnaha La Magacaabey:

Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac waxaa loo magacaabay Wasiirka Dastuurka

Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa waxaa loo magacaabay wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh waxaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya.

Tirada xildhibaannada ah ee xukuumadda ku jira 50 waa ka badan yihiin, arrintan oo adkeyneysa in xukuumaddiisa lala xisaabtamo, isaga oo taageero ka heysta xubnaha xildhibaannada ah ee uu magacaabo.

Goobjoog News