U bood dhigaalka

Kheyre Oo Ka Hadlay Waxa Ka Jira Inuu Isku Shaandheynayo Golihiisa Wasiirada

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay waxa ka jira in doonayo isku shaandheyn uu ku sameeyo golihiisa wasiirada.

Kheyre oo ka qeybgalayey kulan su’aallo weydiin ah ayaa u sheegay wariyahii su’aashaasi weydiiyey iney tahay arrinkaasi markii ugu horreysay oo afkiisa uu ka maqlo, taas oo ka dhigan inaanay jirin wax isku shaandheyn ah oo uu ku sameynayo xukuumaddiisa.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in xukuumaddiisa aanu jirin Lix bil, wixii ka dambeeyana la arki doono wasiirkii balanqaadkiisa iyo shaqadii loo dhiibay kasoo baxay iyo kii aan kasoo bixin.

Warbaahinta gudaha ayaa maalmihii ugu dambeeyay aad u hadal haysan isku shaandheyn la sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre ku sameynayo wasiiradiisa.

Goobjoog News