U bood dhigaalka

Kheyre Oo Ka Horyimid In La Dhexgalo DFS iyo Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka horyimid in gacan Saddexaad ay soo kala dhexgasho dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo khilaaf xooggan ka dhaxeeyo.

Waxa uu sheegay in aanu soo dhoweyneyn hadalkii madaxda dowlad goboleedyada ee ahaa in Ajaaniib ay soo dhexgasho DFS iyo maamul goboleedyada.

“Waxaanan soo dhoweyneyn in la yiraahdo daraf Saddexaad oo Ajnabi ah hana soo dhexgalo, daraf Saddexaad waa dhaqankii aan soo barannay oo la dhihi jiray ajaaniibta ha u kala garqaaddo madaxda Soomaaliyeed, taasi waa lasoo dhaafay” ayuu yiri Kheyre.

Dhanka kale, Kheyre ayaa ka hadlay qodob kale oo ka mid ah qoraal ay soo saareen madaxda dowlad goboleedyada kaasi oo ku aadanaa halka shirka golaha amniga lagu qabanayo iyo amni ahaan.

“Waxaanan soo dhoweyneyn in la yiraahdo magaalo madaxda dalka laguma shiri karo oo amni ma ahan, ma garaneyno cidda loogu daneynayo, laakiin waxaan rabaa inaan xusuusiyo cid walbo oo ay ka suurtowdo iney sidaa tiraado iney tahay astaantii qaranka”

Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa xilligan waxaa ka dhaxeeya khilaaf baahsan oo aan weli wax xal ah laga gaarin.

Goobjoog News