U bood dhigaalka

Kheyre Oo Ku Dhawaaqay inuu Yahay Murrashax Madaxweyne

Sheeko:Dalka

Raisulwasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebuugga waxa uu ku shaaciyay inuu yahay murrashax u taagan qabashada madaxweynaha dalka sanadda 2020-2021.

Kheyre ayaa sheegay inuu ummadda Soomaaliyeed ugu soo adeegay xilka ra’isulwasaaraha islmarkaana ay u suura galeen waxyaabo badan intii uu jagadaas haayay wax kalane ay qabyo u ahaayeen waxa uuna yiri “Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay”.

Xasan Cali Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay in fikir iyo wadatashi dheer ka dib uu go’aansaday inuu isu soo sharaxo jagadda ugu sareysa dalka waxa uuna intaa sku daray in uu ogyahay fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hogaaminta.

“Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo” ayuu yiri ra’isulwasaarihii hore ee dalka Xasan Kheyre.

Hadalka ka soo yeeray Xasan Cali Kheyre ayaa ku soo aadaya xilli uu dalka galayo marxalad doorasho ah dabayaaqada sanadkan iyo horaanta sanadka cusub inkastoo wali saamileyda siyaasadda aysan xal rasmi ah ka gaarin nuuca doorasho ee dalka.

Goobjoog News